Madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa booqasho iyo kormeer u tagay Xulka Qaranka dhallinyarada oo sanadkan 2020 ka qeyb galay tartamo kala duwan,waxaana sidoo kale kulan laacibiinta da’yarta iyo macallimiintooda lagu barayay tababarahooda cusub oo dhawaan ka yimid Wadanka Mareykanka,isagoo badalay Iganiatias Kuwame oo da’yarta maamulay sanadkii tagay 2019.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdullahi Xirse Maxamed ayaa u mahad celiyay madaxda kala duwan ee Xiriirka sida marwalib ay ugu warqabaan shaqooyinka ay hayaan Xulka Da’yarta wuxuuna dhinaca kale sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigidoonaan tababare Cabdixamiid Macallin Maxamed oo noqonaya lalyiyaha Xulka Da’yarta 2020.
Guddoomiyaha guddiga farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdisamad Sheeikh Qaasim ayaa Xulka dhallinyarada kula dardaarmay in ay hormariyaan aqlaaqdooda,taas oo lagu amaanay Xulka Da’yarta Soomaaliya oo sanadkii lasoo dhaafay 2019 ka qeyb galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee ku qabsoomay magaalada Asmara ee Wadanka Eritrea.







From the comments