Xiriirka Kubbadda cagta Soomaliya ayaa qalab isboorti oo kala duwan u qaybiyay ilaa koox oo ka mid ah kuwa sanadkan ka qeyb galaya horyaalka kubbadda cagta Koonfur Galbeed oo markii ugu horeesay la qabanayo maamulkaas waxaana fuudeenta iyo qarashaadka inta uu tartanka socdo bixinaya X.K.Cagta.

“Way mahadsanyihiin Xiriirka Kubbadda Cagta kaalinta ay ka qaadanayaan horomarinta kubbadda cagta Koonfur Gabeed waxayna tani dhiiri gelin u noqonaysaa in tartamada iminka inoo socda ay kasoo baxaan dhallinyar badan oo ka qeyb qaadanaya Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed Axmed Cusmaan Cali (Axmed Dollar).







From the comments