Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in koox burcad ah ay xalay weerar ku qaadeen dad beeraleey ah waxa ayna halkaasi ku dileen mid ka mid ah dadkii ay weerareen.
Kooxda weerarka geysatay ayaa la tilmaamay in ay ku hubeysnaayeen tooreeyo, waxa ayna beertiisa ku dhaawaceen Cumar Nuur kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Dilka marxuumkan ayaa yimid ka dib markii kooxda burcadka ahayd sida la sheegay ay taleefankiisa ka waayeen lacag iyaga oo markaasina kula dhaqaaqay jirdil sababtay in uu aakhirkii u geeriyoodo.




From the comments