Waxaa maanta magaalada Adis Ababa, ee xarunta Itoobiya iyo midowga Afrika si rasmi ah uga furmaya shir madaxeedka midowga Afrika ee 33-aad, oo halku dheggiisu yahay sanadkan “Aamusinta qoryaha”.
Shirkan oo labo maalin socon-doona ayaa sidoo kale xoogga lagu saari-doonnaa horumarka iyo hiigsiga Afrika ee 2063 sida nabadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Dhankeeda, dalka Shiinaha ayaa sheegay inuu maalgelinayo mashruuc lagu maareeyo cudurada oo ku kacaya ilaa 80 million dollar, waxaa xarun u noqon-doonta Itoobiya, arrintaas oo ay Mareykanku diidan yihiin.




From the comments