Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa diiday codsi ahaa in Kenya ka baxdo ka qeybgalka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku saabsan muranka dhinaca badaha ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Garsoorayaasha maxkamada Sare ee Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima ayaa xusay Jimcihii in arimiha ay dalbanayaan codsadayaasha lagu raadin doono si hufan, oo qaab diblomaasiyadeed ah halkii ay maxkamad go’aan ka gaari laheyd.
20 ka mid ah codsadeyaasha ayaa ku dooday in ka soo qeyb galka Xeer ilaaliyaha guud ee dacwadu ay noqonayso mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Kenya.




From the comments