Qaar ka tirsan hey’adaha xuquuqul insaanka ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa Goobjoog New u xaqiijiyey inuu weli furan yahay xabsiga godka Jilacow, dadkana lagu xiro.
“Waan tagnay xabsiga isaga oo weli shaqeeyo, waxaan ka mid aheyn hey’adaha dalbaday xarigiisa laakin markii aan bilo kadib aragnay inuu furan yahay, waxaa ay hey’adda NISA ee gobolka Banaadir nagu dhaheen waa shaqo KMG ah, oo rasmi ma aha”, waxaa sidii yiri mid ah agaasimeyaasha hey’ad xuquuql insaanka oo u dooda arrimaha la xiriira caafimaadka iyo dadka, codsanaya in aan magaciisa la sheegin.
Dhanka kale, weli waxaa Goobjoog News la soo xiriiraya dad lagu xiray Godka Jilacow dhowrkii bil ee ugu dambeysay, doonayana in arrinkan ka hadlaan, qaarkood waxaa ay noo sheegeen in dadka lagu jirdilo.




From the comments