Wararka naga soo gaarayo magaalada Burco ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in habeenimadii xalay uu ka kacay dab Khasaaro kala duwan geystay oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dabka ayaa ka kacay guri ku yaala xaafad lagu magacaabo Balaasa ee magaalada Burco dabka ayaana saameeyey gurigii uu ka kacay, waxaana inta la xaqiijeyey ku geeriiyooday labo caruura.
Sidoo kale waxaa dhawac uu ka soo gaaray Gabar yar oo shan sano jir aheyd oo la sheegay in ay ka tirsaneyd qoyska dabka uu saameeyey ciidamada dab damiska oo halkaasi gaaray ayaa ku guuleysay daminta dabka




From the comments