Wararka naga soo gaarayo magaalada Baledwene ee gobalka Hiiraan ayaa sheegayo in magalaada iyo tuulooyinka hoos yimaada uu ka dilaacay xanuunka Shuban biyoodka kaas oo dad badan loo dhigay isbitaalka guud ee magaalada.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Isbitaalka magaalada la gaarsiiyey 45 ruux kuwaas oo uu soo ritay xanuunka, waxaana ilaa iyo hadda xanuunka u geeriyooday 1 ruux.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in xanuunka uu saameeeyey dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaalada Baladweyne, iyo dadka ku nool tuulooyinka hoos yimaada magaalada sida Leegoow, Siniile, Ganbaale, ka dib markii dadku ay cabeen biyo wasaqeysan waxaana uu intaas uu ku daray in xanuunka dadka uu soo ridanayo ay isi soo tarayaan.




From the comments