Wararka saakay laga helaayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Farlibaax oo 45km u jira magaalada Baledwene ay la wareegeen dagaaalamayaal ka tirsan xarakada tirsan Al-shabab, kuwaas oo weerar ku soo qaaday degaanka.
Dagaal kooban oo ku dhexmaray kooxo hubeysan oo deegaanka ah oo loo yaqaano Macawisley iyo Al-shabaab ayaa waxaa u suuragashay in Al-shaab ay gudaha u galaan deegaanka, sidoo kale kooxihii Macawislaydii ayaana iskaga baxay.
Sidoo kale wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegayo in deegaanka hadda lagu arkay meydadadka Sadddex ruux waxaana hadda deegaanka ka jiro xaalad kacsanaan ah madaama Labada dhican ay ka joogaan duleedyada deegaanka, waxaana saacad waliba la filan karaa inuu dagaal dhexmaro Labada dhinac.




From the comments