Warbaahinta madaxabannaan ee ku sugan Galmudug oo si wadajir ah ugu qabtay shir jaraa’id magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu ku wado caburin.
Qaar ka tirsan warfiyeenka oo hadlay ayaa sheegay in nin la dhaho “Beesaani”, oo ka tirsan xafiiska ra’isul wasaaraha, oo Cameraman ah uu keligii qaatay dhammaan dowrkii saxaafadda, isagana uu diro.
Warfiyeenka ayaa intaasi ku daray in ninkaas uu waday hawshaas 6 bil, isaga oo lagu eedeeyey caburin, xaqiraad iyo cagajugleyn. Waxaa ay sheegeen oo kale in arrintaas aaney wax ka qaban Kheyre, guddiga dib u heshiisiinta iyo xataa guddiga farsamada.




From the comments