Gaari ay wateen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Milatariga qeybta 21-aad ayaa maanta ku rogmaday inta dhaxeyso deegaanka Gelisoor ee gobaka Galgaduud iyo magaalada Gaalkayo ee gobalka Mudug.
Gaariga rogmaday oo ahaa nuuca Cabdi bilaha ah ayaa rogmaday ka dib markii wadihii gaariga uu xakamayn waayey, taas ayaana sababtay wadada inuu ka baxo ka dibna uu rogmado.
Sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada saarnaa gaariga inta la xaqiijiyey ilaa lix askari ayaa ku dhaawacantay gaariga kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo xaaladooda lagula tacaalayo.




From the comments