Ciidamada Kumandoosta dowlad gobaleedka Jubbaland oo ay wehliyaan xoogga dalka gaar ahaan Danab oo iskaashanaayo ayaa Al-shabaab kula dagaalay deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah dagaallo qorshaysan ay ku qadeen deegaannada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo dhammaantood dhaca galbeedka Kismaayo, waxaana dagaal xoogan kala hor yimid xoogagga Al-shabab oo muddooyinkii danbe ka talinayey deegaannadaasi.
Dagaalka ayaa sababay in dadkii ku noolaa deegaanadaasi ay bilaabaan in ay iskaga barakacaan, maadaama dhulka lagu dagaalamay uu yahay mid miyi ah ayna dagan yihiin dad reer guuraa oo xoolo dhaqato ah.








From the comments