Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga,si ay uga qeybgalaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Talyaaniga,wuxuuna socon doona muddo labo maalmood ah.
Wafdiga wasiirka ayaa ku soo bandhigaya shirkaasi fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiiska ee Soomaaliya kajira,kuwaasi oo wasaaraddu ay waddo dadaalo lagu horumarinayo,sidoo kale wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay kulmo gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.




From the comments