Wararka ka imaanyo magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo beelood deegaan hoos yimaada magaalada Ceerigaabo, waxaana ka dhashay Khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Deegaanka dirirtu ay ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Waqadariya ee waqooyiga magaalada, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay sedex ruux halka laba kalana uu soo gaaray dhaawacyo kuwaas ka kala tirsanaa maleeshiyaadka maanta ku dagaalantay gobalka Sanaag.
Sidoo kale laba dhinac ayaa goobta wali isku hor fadhiyo waxaana mararka qaar deegaanka Waqadariya laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo laba dhinac ay isku ridayaan, waxaana dadka deegaanka mar waliba ay ka cabsi ka qabaan inuu dagaal dhex maro labada dhinac.




From the comments