Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa magalaada Kismaayo ku soo bandhigay rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen xarakada Alshabaab, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka.
Howlgal balaaran oo ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada ayey ku soo qabteen labo ruux oo magacyadooda lagu sheegay [ Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud) oo ciidamu sheegeen in ay ka tirsanaayeen Alshabab.
Sidoo kale ciidanka amniga ayaa xusay in raggaan ay gacanta ku soo dhigeen xili gacanta ay kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus, ciidanka ayaa sheegay in ay halen goob raggaan keyd u ahaa waxaana ay ka soo saareen 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed.








From the comments