Shirkadda duulimaadka diyaaradaha Afrika ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ka bilowday Muqdisho ilaa magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose.
Shirakadda duulimaadyada Afrika Airweys ayaa maanta duulmaad toos ah ku gaartay magalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose , waxaana diyaarada la socday rakaab is kugu jira mas’uuliyiin iyo dadka shacab ah.
Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in duulimaad diyaaradda Afrika ay ka faa’ideysan doonaan xujeyda ganacsatada dadka qurbajoogta ah ee daneynaya in ay tagaan magaalooyinka Baraawe iyo Muqdisho iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.




From the comments