Wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu soo gudbisay shacabka Soomaaliyeed qorshaha iyo waqtiyada ay wasaaraddaasi ugu talo gashay bixinta shatiyada xermooyinka shidaalka ku jira badda, soo bandhigidda shirkadaha guuleystay iyo dhaqan-gelinta heshiisyada la xiriira qeybiga kheyraadka, kuwaas oo dhammaan noqon been iyo mala-awaal.
Wasiirka Batroolka dowladda federaalka ah Cabdirashid Maxamed Axmed oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in wasaaradiisa ay December 2019-ka ku soo bandhigi doonto shirka shidaalka ee Cape Town qorshaha lagu bixinayo shatiyada shidaalka, waxaa uu carabka ku dhuftay 15 xermo, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 30 Bilyan oo fuusto.
Wasiirka ma qeexin sida uu yahay qorshahaasi, waxaana bisha soo socota uu sheegi doonnaa goorta ay shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya u tartami doonaan shatiyada.




From the comments