Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in maamulka iyo ciidamada Ahlu sunna ay weli joogaan qeybo ka mid ah magaalada.
ilo ku sugan magaalada ayaa u sheegay Goobjoog News uu u sheegay in culimada joogaan INJI oo aheyd Madaxtooyadii ee Galmudug, wasaaradda waxbarashada iyo agagaaraha Isbitaalka Xanaano ee magaalada Dhuusamareeb, ciidamada ayaana kawada dhaqdhaqaaqyo goobaaas.
Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa horay u soo baxay deegaanada Matabaan oo gobalka Hiiraan ah, Guriceel iyo deegaanka Ceeldheer oo gobalka Galgaduud ah, waxaana jira cabsi shacabku ay ka muujinaayaan in lagu dhex dagaalamo madaama magaalada ay kuwada sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlusunna iyo madaxdooda.




From the comments