Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay sababta loo doortay xildhibaannada golaha shacabka isaga oo yiri “Ma shaqo ayaa naloo doortay mise in aan shirno”?
Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa yiri “3-da shaqo ee ay xildhibaannada leeyihiin waa sharci-dejin, isla xisaabtan iyo matalaad, su’aal ayaa idiin weydiiyee, qofka deegaan doorashadii laga soo doortay inta ku laabtay shaqo ka soo qabtay oo baarlamaanka fadhiya yuu yahay? Aad ayey u yar yihiin sida aan aaminsanahay.
Dhanka Sharci-dejinta waxaa uu xildhibaan Mahad ka yiri “ Baarlamaankan miyaan aheyn midka la hor keenay sharcigii badalitaanka sharciga bangiga dhexe ee gaalka shaqada loogu raadinayey anisiyey ee gacanta u taagay, baarlamaankan miyaa aheyn midka loo keenay sharciga doorashooyinka oo qodobo dastuuriga ah oo 11 gaaraa lagu buriyey, oo la leeyahay doorasho ayaa lagu qabanaa, markii aan wareysanay nala yiri sharciga ansixiya kadib ayaa dastuurka loo badalaahe, sharciga aan ka shaqeyneyno ama aan ilaalineyno xaguu yaalaa xildhibaanow?




From the comments