Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn waxaa uu sheegayaa in biyihii Webiga Shabeelle ay weli ku socdaan xaafadaha magaalada. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako iyo Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb.
Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah, ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha.
Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf.




From the comments