Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan Milatariga ayaa barqanimadii maanta waxaa uu wiil dhalinyaro ah uu ku toogtay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellaha Dhexe ee hoos timaada dowlad gobaleedka Hirshabeelle.
Wiil dhalinyada ah ee lagu dilay Ceelbaraf ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinta sida aadka ah looga yaqaano uguna firfircoon dhalinyarada deegaanka, waxaana lagu magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco.
Sidoo kale wiilka ayaa la sheegay in uu dalawal u ahaa Aabihii oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano degmada Ceelbaraf iyo deegaanada kala duwan ee gobalka Shabeelaha dhexe ee Hirshabeelle.




From the comments