Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa maanta ka hadlay xariga ciidama ammaanka ay u geysteen wariye Axmed Sheekh Maxamed oo ahaa agaasimihii radiyo Daljir oo ka howlgasha deenaada Puntland oo subaxnimadii saakay ciidmada ammaanka ay xabsiga dhigeen.
Xeer ilaaliyaha oo hadlay xarigga wariyaha ayaa sheegay in loo heysto dambiyo uu wariyuhu ka galay laamaha ammaanka Puntland, waxaana uu ku soo eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga.
Sidoo kale xeer ilaaliha ayaa xusay in guddigii gacanta ku haayay kiiskaan ay soo dhameystireen baaritaankii kiiska loo heytay wariye Axmed Sheekh, isla markaana guddigii baaritaanka ku hayay kiisaan gacanta ay codsadeen in la soo xiro sidaas ay laamaha ammaanka ay u soo xireen wariye Axmed.




From the comments