Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in xabsiga la dhigay ciidamadii ku sugnaa Koontaroolikii habeenimadii xalay lagu rasaaseeyay gaari uu watay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Komandooska ee xoogga dalka oo ahaa Maadeey Suleebaan, kaas oo lagu rasaaseeyay koontaroolka ku yaala nawaaxiga Ex Baar Shabeelle, taas oo keentay inuu sargaalkii uu u geeriyoodo dhawaac ka soo gaaray rasaastaasi.
Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen oo war quraal ah soo dhigtay barteeda Twitter ka ayaa sheegtay in ciidamadii ku sugnaa Koontaroolkii lagu dilay sarkaalka ciidanka xoogga la xiray, ciidanka Boolikana ay wadaan baaritaanno la xiriira sababtii ka danbeeysay in la rasaaseeyo gaariga taliyaha.
Sidoo kale Sarkaalkaan lagu dilay israsaaseenta ka dhacday Koonntaroolka Hotel Naaso Hablood laba waxaana soo baxaayey warar kala duwan asbaabta dhalisay in ciidanka ay mar qura rasaas ku fururaan gaariga uu watay sargaalka.




From the comments