Maanta oo Axad ah ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeenay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), kaas oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay DFS kasoo xirtay 31-kii August ee 2019.
Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa maanta la geeyey Buulle Aadan Maxamed oo isna ahaa taliyahii ciidamada ka howlgeli jiray degmada Doolow, waxaana Labadoodaba loo haystaa iney ka dambeeyeen dilka dad rayid ah.
Waa markii ugu horreysay oo Wasiir Janan la keeno maxkamaddan tan iyo markii ay dowladda federaalka kasoo xirtay Garoonka Aadan Cadde xilli uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.




From the comments