Wafdi ka socday Qaramada Midoobey iyo hey’ado caalami ah ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad gobaleeda Hirshabelle, waxaa hoggaaminaayay madaxa hey’adda UNDP Soomaaliaya Jocelyn Mason.
Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeen Cali Guud laawe Xuseen iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jawhar.
Sidoo kale waxaa wafdiga qeyb ka ahaa madaxa hay’ada IOM iyo UN Habitat oo mashaariic kala duwan horay uga fuliyay deegaannada Hirshabeelle, waxaana ay kulan la qaateen ku simaha Madaxweyne iyo labada gole ee Hirshabeelle waxaana laga wada hadlay sidii looga taageeri lahaa Hirshabeelle dhinacyada ammaanka, dib u heshiisiinta federaaleenta, biyaha iyo caafimaadka.




From the comments