Wafdi ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay magaalada Kismaayo, ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.
Ujeedka safarka wafdiga ayaa lagu sheegay ka qeybgalka caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu wado iney dhacdo todobaadkan.
Wafdigan waxaa uu horudhac u yahay shakhsiyaad iyo wufuud caalami ah oo la filayo iney gaaraan Jubbaland maalmaha soo socda.




From the comments