Ciidamada Booliiska ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay xalay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana howlgalkaan uu ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayey.
Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari, Xuseen Cali Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalkaan ay kusoo qabteen dhallinyaro lala xiriinayo falalka amni darri ee ka dhaca magaaladaasi.
Wuxuu taliyaha tilmaamay in ciidamada ay sidoo kale baareen gaadiidka lagana fiiqayey bacaha madow, si aan loogu fulin falal amni darri ku aaddan.




From the comments