Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa fiidnimadii hore ee xalay Duqeyn ku dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro kusoo qaadaan degmada Awdheegle .
Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Radio Muqdisho in duqeyntan lagu qaarijiyey ilaa 20 waxaana uu ka mid ah ku xigeenka Horjoogaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).




From the comments