Kooxda ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee Horseed ayaa sanadkan ka qeybgashay tartan Jaamacadda carabta waxaana Horseed ciyaaraha dibadda ugu danbeesay ka hor 2019 sanadii 1984 kooxda cawa maalin waxa ay ka mid aheyd naadiyadii ugu adkaa waayadii hore,balse mudo dheer ka dib maxay Horseed kasoo bartay ku soo laabashada tartamada guddoomiyaha kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin in naadiga ciidanka xoogga dalka ay kusoo laabto tartamada dibada.

“Wax badan oo faa’ido ah ayaan kasoo baranay tartankii aan kaga qeyb galnay magaalada Casablanca ee wadanka Morocco waxaa naloo soo dhaweeyay,si heer sare maadama kooxda Horseed ay ka mid aheyd naadiyadii ugu caansanaa barisamaadka ciyaaraha kala duwan ee carabta” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed.

Warbaahinada ka faalooda ciyaaraha carabta ayaa siweyn u gorfeeyay taariikhda iyo guulaha ,iyagoo soo bandhigay in kooxda ciidanka xoogga dalka ay guul muhiim gaartay sanadihii 1973 ilaa 1984 waxayna watqigaa ka badisay kooxo badan sida uu Goobjoog u sheegayo guddoomiyaha naadiga Horseed.






From the comments