Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed C/casiis Maxamed Laftagareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed u magacaabey maamul cusub.
Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dowlad gobaleedka looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in markii Madaxweynuhu uu arkay baahida loo qabo in degmada Beydhabo ay hesho maamul cusub oo dardargelin kara howlaha balaaran ee socda, ayuu gartay inuu u soo magacaabo maamul cusub.
Madaxweynaha ayaana sheegay markii uu arkay kartidooda iyo khibradda ay u leeyihiin shaqadaan in uu u magacaabay isaga oona kula dardaarmay in su hufan ay uga soo dhalaalaan shaqada loo igmaday.




From the comments