Maamulka Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa sheegay in ay safar shaqo ku bixindoonaan maamul Goboleedyada,iyagoo halkaa ku dhaleeya kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gobolada wuxuuna hadafka ugu weyn ay arinta tahay wada shaqeen dhexmarta kooxaha kala gedisan ee ka dhisan Soomaaliya.
Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa Goobjoog u sheegay in ay kooxdiisa ciyaaro saaxiibtinimo u aadayso dhamaan Maamul Goboleedyada dalka,balse iminka ay ku hormarayaan Puntland,iyagoo halkaa kulamo saaxiibinimo kula ciyaaraya naadiyada ka dhisan Puntland.

Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa kooxaha kubbadda cagta kula dardaarmay in ay tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo sanad kasta u aadaan caasimadaha kale ee wadanka,isagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso horomarka kubbadda cagta Soomaaliya.







From the comments