Waxaa maalmahan magaalada Xudur ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, booqashada uu halkaasi ku tagay waxaa qeyb ka ah maareynta ilaa 800 oo isugu jira maleeshiyaadka ka amar qaata wadaadka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, qaar kale oo Koonfur galbeed iyo SNA.
Wadahadal dheer kadib, xog ay heshay Goobjoog News waxaa ku cad in maleeshiayad Roobow ogolaadeen in la qarameeyo, kana mid noqdaan xoogga dalka, waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabadsugidda iyo SNA.
Soojedintan uu lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi Casis Laftagareen ayaa la ogeyn sida ay u yeeli-doonaan maleeshiyada, oo marka hore shuruuro la yimid.




From the comments