Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Sheegay In Dhowaan ay Bilaabanayaan Howlgallo la isugu furayo wadooyinka go’doonsan ee deeganda Hirshabeelle, kuwaas oo muddo ay go’doon ay ku hayeen Alshabab.
Dr Maxamed Cabdi Waare oo maanta xerada iidamada Amisom gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad qada sharaf ah oo ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo Heer degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida qeybihiisa kale duwan.
Sidoo kale Madaxweynaha oo Sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inta ammaanka Soomaaliya uusan oo hagaagsaneyn uusan geeska Africa aysan nabad noqoneynin taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan ammaanka gobolka uu hagaagayo




From the comments