Dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed, waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka degay wufuud kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhan yahay.




From the comments