Taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa maanta dibadbax ka dhigay waddooyinka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug
Dibadbaxan oo saacado socdey ayey ka qeybgalayaashu wateen boorar ay ku diidan yihiin saraakiil amni oo dhowaan dowladda halkaasi u magacawday, waxaa kale oo ku qeylinayeen “Culimo diid doonimeyno”, “Khawaajir doonimeyno” iyo erayo kale.
Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo dibadbaxa kadib la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dibadbaxoodu ahaa mid nabad ah, lagu diidanaa in Dhuusamareeb dagaal ka dhaco iyaga oo intaasi raaciyey in laga rabo dowladda federaalka ah iney dhageysato rabitaanka shacabka Dhuusamareeb.










From the comments