Dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu weysnaa Saddex Dhalinyaro Soomaali ah,kuwaas oo la waayey xilli uu boob ka socday Goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Qaar ka mid ah Dhalinyaro kale oo gurmad u sameeyay Soomaalida Ganacsigooda la boobayay ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in la helay, iyaga oo badqaba Saddex Dhalinayarada ah, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Maxamed Cumar Talyaani oo ka mid ah Guddiga gurmadka sameeyey ahna Gudoomiyaha Dhallinyarada iskana abaabulay Magaalada Johannesberg ayaa sheegay in dhalinyarada Saddexda ah ay galeen Xaafado u dhow Goobahooda Ganacsi oo ay boob ku hayeen Burcad Koonfur Afrokaan ah sidaasina ay ku badbaadeen.




From the comments