Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxaa ay suuqa Siinaay ee degmada Yaaqshiid ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee dowladda hoose.
Wararka ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysanaa ay sarkaalka ay ku soo weerareen Suuqa xili uu ku sugnaa ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan.
Sarkaal la dilay ayaa Wararka waxaa ay intasi ku darayaan in uu ahaa Sarkaalkii Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta lagu toogtay Suuqaas.




From the comments