Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo koox hubeysan, kaasi oo ka dhacay gobolka Sool.
Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare in kastoo weli aan la ogaan inta uu la egyahay.
Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay iney ka tirsan yihiin Jabhadda Feysal Falalug oo kasoo horjeedda joogitaanka ciidanka Somaliland ee gobolka Sool.




From the comments