Hey’adda Lacagta adduunka (IMF) ayaa todobaadkan waxaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka Soomaaliya aanu isbadaleyn sanadkan, oo uu ahaan-doono 2.9 boqolkiiba, waase haddii ay da’aan doorababka la filayo dhammaadka sanadkan.
“Inkasta oo uu koror jiro, maaliyadda ay soo fiicnaaneyso, laakin dhakhliga qofka soo galo waa mid hooseeya, waana in la helo ilo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhimayo faqriga” sidaasi waxa lagu sheegay qoraalka IMF.
Meelaha uu ka jiro dhaq-dhaqaaq fiican ee xaga dhaqaalaha waxaa ay hey’adda ku sheegtay isgaarsiinta, ganacsiga, dhismaha iyo hey’adaha maaliyadda.




From the comments