Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar , kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimayo iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan maamulka gobolaka Banaadir.
Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.




From the comments