Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland, waxaana looga hadlay qaraxii Muqdisho iyo arrimaha amniga doorashada Jubbaland.
Ugu horayn, Madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.
Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka.




From the comments