Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda uga warbixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.
Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa xusay in ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.




From the comments