Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waxyeello soo gaarsiiyey dad rayid ah.
Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in Miinadan ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo halkaasi marayey.
Gaariga ay miinadan la kacday ayaa ahaa sida la sheegay Homey, shalay subax caano ka qaadday degmada Dhoobaley, balse soo noqonkoodii ayeey miinadan haleeshay.




From the comments