Goobjoog

Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Dalka Guinea

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney xiriirka u jartay dalka Guinea, kadib markii sida ay sheegtay ku xad-gudubtay Qarannimada, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo arrinkaas…

Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Dalka Guinea

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney xiriirka u jartay dalka Guinea, kadib markii sida ay sheegtay ku xad-gudubtay Qarannimada, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo arrinkaas ka hadlayey ayaa intaasi ku daray “Waxaa soo badanayey dalalka xad-gudubyadaas sameynaya, waxaa la soo gaaray waqtigii aan adduunka u sheegi laheyn in dowladda federaalka ah iyo umadda aaney u dul-qaadaneyn faregelin lagu sameeyo qarannimada”

Wasiirka oo shir jaraa’id oo xarunta wasaaradda ka dhacay ka hadlayey ayaa sidoo kale sheegay “Xukuumadda Soomaaliya waxay u taagantahay ilaalinta midnimada qarannimada Soomaaliyeed, go’aan kastana uu ku saleysan yahay u adeegga qarannimada Soomalaiya”.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dalkaasi tagay todobaadkan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, loona soo dhoweeyey qaab heer sare ah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments