Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay labo Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, taliska ayaana sheegay in ciidanka amnigu ku raad joogeen.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada Qarax ay ka kala dhaceen agagaarka Taaladda Sayidka iyo meel ku dhow Hotel Afriik gaar ahaan Barta-Kontaroolka ee wadada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
“Maanta waxaa Xamar ka dhacay labo Qarax oo is xig-xigay,kan koowaad wuxuu ka dhacay taalada sayidka agagaarkeeda,waxaa ku dhintay sagaal qof,waxaa ku dhaawacmay 25-Qof,Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Afrik gaar ahaan meel ku dhow barta-Kontaroolka ee wadada aada Airport-ka,waxaa ku dhintay dhagarqabihii waday gaariga halka uu ku dhaawacmay mid kii la socday oo ciidanka Booliska ay hadda gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.




From the comments