Maxaabiis ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Xabsiga wayn ee Muqdisho, kaasi oo dhawaan laga dhisay Xerada Ciidanka Asluubta ee duleedka dhanka Koonfureed ee Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa tagay xabsiga xilliga maxaabiista maanta loo wareejinaayay xabsigaasi.
Maxaabiistaan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee loo soo wareejiyo Xabsiga Muqdisho ee laga dhisay duleedka Magaalada.




From the comments