Saddex muwaaddin oo Kenyan ah iyo nin la tuhunsan yahay inuu yahay murashax madaxweyne oo Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Nairobi Khamiistii iyadoo looga shakisan yahay falal argagixisanimo.
Ibrahim Kassim Farah, Mohamud Mohamed Bashir, Ali Abdi Mohamed iyo Hussein Hassan Muhammud ayaa arbacadii lagu xiray agagaarka Muguga ee deegaanka Kiambu. Ibrahim Kassim ayey kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla deegaanka South C boliiska la dagaallama argagixisada kaddib markii ay heleen xog ku saabsan Ibrahim.
Afartaan eedeysane ayaa kasoo muuqday maxkamad si loogu qaado dambiyada loo heysto. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaan xabsi lagu sii heyn doono muddo afar maalmood ah si baareyaasha ay u sii wataan baaritaankooda.




From the comments