War-murtiyeedka shir madaxdeedka ururka iskaashiga Islaamka ee jimcihii ka dhacay magaalada barakeysan ee Maka ayaa looga hadlay faragelinta Iran, duqeynta Xuutiyiinta, Falastiin iyo arrimo kale.
Shirka waxaa lagu dheeraaday faragelinta Iran ay ku heyso dalalka badan oo Carab ah sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, waxaa kale oo la dhaleeceeyey duqeynta ay Xuutiyiinta u geysteen goobo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga.
Suuriya, waxaa uu shirka isku raacay in aaney aqoonsaneyn wax walbo oo ka hor imaanaya go’aannada caalamiga, isla markaana badalaya jirintaanka dhulka iyo dad meel ku nool.




From the comments