Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa tababarre Jerryagyei Asare u magacaabay macallinka goolhayaasha xulka qaranka, wuxuuna noqonayaa layliyaha saddexaad ee kasoo jeeda dalka Ghana ee ka qeyb qaadanaya mashruuca horomarinta ciyaartooyda xulka wuxuuna Jerry sheegay in uu ku faraxsanyahay ka shaqeynta dalka.

Tababarayaasha kala ah Xasan Faarax Axmed iyo CabdiWali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ay si wadajir u shaqeeyaan tababaraha reer Ghana ayaa inoo sheegay in madaxda xiriirka hadii xitaa ay keenaan kuwa kale oo macallimiin ah aysan u arkin dhib maadaam hadafka loo socod uu yahay horomarinta goolhayaasha dalka iyo in labada dhinac ay qibrad ahaan kala faa’deestaan.







From the comments