Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya ka qeyb galka tartamo kala duwan ee sanada 2019 ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,iyagoo inta badan guulo waaweyn ka gaaray kulamadii saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay.

Macalmiinta xulka qaranka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay soo bandhigeen ciyaartooyda laga kala soo xulay kooxaha waaweyn ee dalka,iyagoo sheegay in qaab ciyaareedka looga baahan yahay in ay kusoo bandhigaan tartamada kusoo wajahan Soomaaliya bilaha inagu soo food leh.






From the comments